Xigashada Sawirka, Reuters
Wakiilka Mareykanka, Steve Witkoff, ayaa la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin magaalada St Petersburg Jimcihii, iyadoo Donald Trump uu ugu baaqay madaxweynaha Ruushka inuu “degdeg hawsha loo bilaabo” si looga gaadho xabbad-joojin dagaalka Ukraine.
Kremlin-ka ayaa sheegay in kulanka uu socday in ka badan afar saacadood isla markaana uu diiradda saaray “arrimaha heshiis laga gaadhi karo xaalka Ukraine.” Wadahadalladan, oo ahaa kulankii saddexaad ee uu Witkoff sanadkan la yeesho Putin, ayaa waxaa lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwo “wax soo saar leh,” sida uu sheegay danjiraha gaarka ah ee Ruushka, Kirill Dmitriev.
Trump ayaa muujiyay niyad-jab ku aaddan Putin iyo sida ay u socdaan wadahadallada. Jimcihii, wuxuu baraha bulshada ku qoray: “Ruushku waa inuu hawshan u dhaqaaqaa. Dad aad u badan ayaa ku dhimanaya, kumannaan todobaadkii, dagaal xun oo aan wax micno ah lahayn weeye.”
Arrintan ayaa soo baxday iyadoo danjiraha Trump u qaabilsan Ukraine, Keith Kellogg, uu beeniyay soo jeedin in dalka Ukraine la kala qaybinayo oo qayb Ruushku qaadnayo.
Wargeyska The Times ayaa sheegay in inta lagu guda jiray wareysi uu la yeeshay Kellogg, uu soo jeediyay in ciidamada Britain iyo Faransiiska ay qaadan karaan aagagga ay gacanta ku hayaan ee galbeedka Ukraine si ay u noqdaan “ciidamo kalsooni abuuraya.”
Wuxuu sidoo kale la sheegay inuu soo jeediyay in ciidamada Ruushka ay sii joogaan bariga Ukraine ee la haysto. “Waxay u ekaan kartaa sidii dhacday Berlin kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka,” ayuu wargeysku ka soo xigtay.
Kellogg ayaa markaas kaddib baraha bulshada kusoo qoray in maqaalkaasi uu “si khaldan u dhigay” hadalladiisa. “Waxaan ka hadlayay ciidan adkeyn doona amniga kaddib xabbad-joojin, si loo taageero madax-bannaanida Ukraine,” ayuu ku qoray X (hore Twitter), isagoo intaas ku daray: “Kama aanan hadlin kala qeybin Ukraine.”
Aqalka Cad iyo dowladda Kyiv midna kama aysan jawaabin hadalladaas. BBC-da waxay ka codsatay The Times inay ka bixiso jawaab, se kama ay falcelin.
imcihii hore, waddamada Yurub ayaa ku heshiiyay gargaar milatari oo gaadhaya €21 bilyan ($24 bilyan; £18 bilyan) oo loo fidinayo Kyiv.
Intii lagu guda jiray munaasabaddaas, wasiirrada difaaca ee Yurub waxay sheegeen inaysan jirin wax calaamad ah oo muujinaysa in dagaalkaasi u muuqd mid dhammaanaya dhawaanahan.
Kahor wada-hadallada Putin iyo Witkoff, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in aysan jirin “wax rajo ah oo laga qabo horumar degdeg ah” maadaama “geeddi-socodka hagaajinta xidhiidhku uu weli socdo.”
Markii la weydiiyay haddii wada-hadalladu ay ku jiri karaan in la qorsheeyo taariikhda suurgalnimada ee uu Putin kula kulmi karo Trump, Peskov wuxuu sheegay: “Aan aragno. Waxay ku xidhantahay waxa uu Witkoff la yimid.”
Kahor kulankaas, Witkoff wuxuu la yeeshay kulan Dmitriev oo ka dhacay Hotel Grand Europe ee magaalada St Petersburg, halkaas oo lagu qabtay shir ku saabsan suuqyada birta laxaamadda iyo si guud suuqyada Ruushka.
Dmitriev, oo ah 49-jirka madax ka ah sanduuqa maalgelinta qaranka ee Ruushka, ayaa toddobaadkii hore booqday Washington, wuxuuna noqday mas’uulkii ugu sarreeyay ee Ruush ah ee tagay Mareykanka tan iyo markii Ruushka uu si buuxda ugu duulay Ukraine sannadkii 2022.
Xigashada Sawirka, Ukrainian presidency

Dhanka kale, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku eedeeyay Kremlin-ka in ay si ula kac ah u dheereynayaan dagaalka, intii uu ku sugnaa booqasho Jimcihii uu ku tagay goobta uu ka dhacay weerar gantaal oo Ruushku fuliyay 4-tii Abriil, si gaar ah magaalada uu kasoo jeedo ee Kryvyi Rih. Weerarkaas ayaa dilay 19 qof, oo ay ku jiraan 9 carruur ah.Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay in boqolaal muwaadiniin Shiinees ah ay dagaalkaas kula jiraan ciidamada Ruushka. Arrintan waxay timid kaddib markii Ukraine ay sheegtay inay qabatay laba muwaadin oo Shiinees ah.
“Waxaan haynaa xog muujinaysa in ugu yaraan dhowr boqol oo Shiinees ah ay dagaalka kula jiraan ciidamada gumeysiga ah ee Ruushka,” ayuu yidhi Zelensky.
“Tani waxay ka dhigan tahay in Ruushku si cad u doonayo inuu dagaalka dheereeyo xitaa haddii uu isticmaalayo nolosha dadka Shiineeska ah.”
Zelensky wuxuu ubax dhigay hortiisa sawirrada Herman Tripolets, oo sagaal jir ahaa, iyo laba kale oo carruur ah oo toddoba jirro ahaa: Arina Samodina iyo Radyslav Yatsko, oo duqayntaas ku dhintay
Trump horey waxa uu u sheegay inuu dagaalka Ukraine iyo Ruushka kusoo afjari doono “24 saacadood gudahood”. Jimcihii, wuxuu ku adkaystay in dagaalku uusanba dhici lahayn haddii uu isagu ku sugnaan lahaa Aqalka Cad sannadkii 2022, markii Ruushku duullaanka buuxa ku qaaday Ukraine.
Bishii Febraayo, mas’uuliyiin Mareykan iyo Ruush ah ayaa ku kulmay Sucuudi Carabiya, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee ay fool ka fool u kulmaan tan iyo duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale kulamo ku yeesheen sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa.
Trump wuxuu xidhiidh muran badan la yeeshay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, tan iyo markii uu bilaabay muddo xileedkiisan labaad. Arrintaasi waxay gaadhay ismaan-dhaaf kulul oo ka dhacay xafiiska Oval Office bishii Febraayo.
Mareykanku wuxuu isku dayay inuu dhexdhexaadiyo xabbad-joojin kooban oo dhex marta Ukraine iyo Ruushka, gaar ahaan badda Madow, balse dadaalladaasi ayaa hakaday markii Kremlin-ka uu dalbaday in laga qaado cunaqabataynta la saaray bilawgii dagaalkaas
Tan iyo markaas, Trump wuxuu sheegay inuu aad uga “cadhooday” oo uu “ka xanaaqay” Putin, sababo la xidhiidha in aysan jirin wax horumar ah oo laga gaadhay si loo heshiiyo, loona gaadho xabbad-joojin u dhexeysa Kyiv iyo Moscow.
Toddobaadkan hore, Mareykanka iyo Ruushka waxay sameeyeen is-weydaarsi dhanka maxaabiista ah.
Ksenia Karelina, oo ah muwaadin Mareykan-Ruush ah, ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah gudaha Ruushka kadib markii ay bixisay $51 oo deeq ah, siisayna hay’ad samafal oo reer Ukraine ah markii uu dagaalku bilowday bishii Febraayo 2022.
Degaanka Los Angeles ayey deganeyd, waxaana la sii daayay Khamiistii subaxnimadii, iyadoo lagu beddeshayay Arthur Petrov — muwaadin Jarmal-Ruush ah oo lagu qabtay Cyprus sannadkii 2023.
Petrov waxaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah gu dhoofinayey qalab elektaroonig ah Ruushka, qalabkaas oo ay isticmaalaan warshado la shaqeeya milatariga Ruushka.